Advertisement

Responsive Advertisement

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Shir Guddoomiyay Kulanka Toddobaadlaha

 



Muqdisho, Soomaaliya  Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Hoggaannada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa-bannaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee dalka iyo xoojinta dadaallada lagu sugayo nabadgelyada shacabka.

Kulanka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha hoggaannada iyo qeybaha kala duwan ee Booliiska, kuwaas oo soo bandhigay xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada Booliisku ka qeyb qaateen.

Howlgalladii Baydhabo

Saraakiisha ayaa si gaar ah uga warbixiyay guulihii laga gaaray howlgal ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed, kaas oo lagu soo afjaray weerar ay Khawaariijta iyo maleeshiyaad isbahaystay kusoo qaadeen magaalada Baydhabo.

Ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay isku daygii lagu doonayay in lagu khalkhal geliyo amniga magaalada iyo xasilloonida guud ee ka jirta deegaannada maamulka Koonfur-galbeed.

Guusha howlgalka ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta ciidamada amniga iyo feejignaanta shacabka, gaar ahaan marka ay timaaddo ka hortagga falalka lagu waxyeelleynayo nabadda iyo amniga bulshada.

Taliye Asad oo faray in la xoojiyo la dagaallanka falalka anshax-xumada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa sidoo kale faray Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) iyo qeybta guud ee Gobolka Banaadir in la dardargeliyo dadaallada looga hortagayo falalka ka hor imaanaya anshaxa suuban iyo amniga bulshada.

Taliyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo baaro loogana hortago falalka xun ee mararka qaar ay dhalinyaradu ku kacaan, isagoo saraakiisha ku booriyay inay xoojiyaan wacyigelinta iyo tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah.

Booliiska oo bulshada uga mahadceliyay wada shaqeynta

Taliye Asad ayaa bulshada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan sida ay ula wadaagaan xogaha la xiriira falalka waxyeellada leh iyo arrimaha khatar gelin kara nabadgelyada.

Wuxuu bulshada ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada ammaanka, isagoo tilmaamay in amniga iyo xasilloonida dalka ay mas’uuliyad wadajir ah ka saaran tahay dowladda iyo shacabka.

Kulanka toddobaadlaha ah ayaa kusoo dhammaaday iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo howlaha sugidda amniga, la dardargeliyo baarista dambiyada, lana joogteeyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Boliiska iyo shacabka Soomaaliyeed.


Post a Comment

0 Comments